Hargaysa 07. April 2017 (SDN/QJ):- Magaaladda Hargeysa ayaa waxa warbaahinta kula hadlay Odey sheegay in uu jirey Da’da 137 jirka isla markaana ilaa iyo haatan ku nool magaalada Hargeysa.
Ninkan odayga ah oo magaciisa la yidhaa Daahir Qureysh ayaa waxa uu warbixintiisa ku xusayaa in uu soo guursaday mid ka mid ah Dumarkii ay walaalaha ahaayeen Sayid Maxamed Cabdule Xasan.

