|

Afhayeenka Al Shabaab: Sheekh Cali Dheere oo Weerar Afka ah Ku Qaaday Jaamacadaha iyo Iskuulada Somalia ka jira & Digniin Adag oo uu u Diray!!

Muqdisho 21. April 2017 (SDN/QJ):- Afhayeenka Guud ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa ku eedeeyay Jaamacadaha iyo Iskuulada kala duwan ee dalka Soomaaliya ku yaala in badankood ay faafinayaan dhaqamada reer Galbeedka.

 

Cali Dheer ayaa sheegay in Hay’adaha gaalada ay doonayaan in maskaxda kala dagaalamaan ubadka soo korya, waxa uuna tilmaamay in hada ay wadaan dagaal dhinaca tacliinta ah si ay jiilka soo koraya u dhaqan rogaan.

 

Afhayeenka Al Shabaab ayaa ugu baaqay Waalidiinta Soomaaliyeed in ay ka digtoonaadaan Iskuulada iyo Jaamacadaha ay caruurtooda geesanayaan, waxa uuna kula taliyay in caruurta ay geeyaan Iskuulada Islaamiga ah ay joogaan macalimiinta wanaagsan ee sida fiican u tar biyeenaya.

 

“Hadaba Waalidiinta Muslimiinta waxaan ugu naseexeynaynaa, Waalidiinta Soomaaliyeed si gaar ah in ay ka digtoonaadaan iskuullada ama madaarista iyo jaamicaatka u adeegaya danaha gaalada iyo gaala raacyada ee la rabo in jiilka soo koraya looga fogeeya tacliinta Islaamka iyo ku dhaqanka shareecada islaamka, Lagana dhigo kuwa gaalada Jecel hadafkoodana uu yahay shahwadooda iyo waxa ay cunaan oo kaliya, iskuulladaas iyo jaamicaatkaas waa dagaal ay gaaladu ku soo qaaday dunida Muslimka ah Muddo hore, ayna gaaladu u aragtay in uu yahay dagaal lagu guuleystay oo uga dhib yar midka xabadda maadama uu xaqiijinayo hadafka ay rabaan” ayuu yiri sheikh Cali dheere.

 

Afhayeenka Al Shabaab ayaa sheegay in Iskuulada iyo Jaamacadaha dalka kuyaala badankood dadka wax lagu baro Luqada Ingiriiska, waxa uuna tilmamaay in dagaal lagula jiro Luqada Carabiga lana jecleesiinayo ubadka soo korayada Luqadaha kale ee ajnabiga .

 

“Calaamadaha lagu yaqaano iskuuladaas iyo jaamacadahaas waxaa ka mid ah: -waxay ku dadaalaan luuqadaha Ajinabiga, waxayna la dagaalamaan Luuqadda carabiga sababtoo ah luuqad kasta waxay wadataa tarbiyadeeda, luuqadda carabiguna waa luuqadda diinta Islaamka, Waa luuqadda Nabigeena, Waa luqadda Kitaabkeena, ugu dambeyna waa luuqadda Ahlu-Jannaha sidaas darteed ayaana Muslimiinta looga fogeynayaa, luuqadaha ajinabigana loo jecleysiinayaa wax kasta oo marmarsiyo looga dhigaba” ayuu yiri Cali dheere.

 

 

Sheekh Cali Dheere ayaa sidoo kale ku eedeeyay Jaamacadaha iyo Iskuulada Soomaaliya kuyaala qaarkood in ay sabab u yihiin in dhalinyaro badan ay tahriibaan , waxa uuna tilmaamay in dhalinyaradaasi jecleesiyeen Wadamada shisheeye iyo dhaqamada wadamadaasi.

 

 

Ugu Dambeyn Afhayeenka Al Shabaab ayaa uga digay Jaamacadaha iyo Iskuulada dalka ku yaala faafinta waxa uu ugu yeeray dhaqamada ay jecel yihiin gaalada, waxa uuna ugu baaqay in ay ka haraan waxa uu ugu yeeray in ay garab siinta gaalada.

Comments are closed