Somaliland: Maxkamad 90-kii Maalmood Ee Sannadkan U Horreeyay La Hor-geeyay 366 Dacwadood Oo Ku Saabsan Khilaafaadka Qoysaska, Tirada Furriinka, Fasaqaadda & Laba-GUURKA

Hargaysa 08. May 2017 (SDN/QJ):- Dacwadaha ku saabsan Khilaafaadka Qoyska, ayaa Safka hore kaga jira Tirada Dacwadaha Saddexdii bilood ee sannadkan u horeeyey soo maray Maxkamadda Degmada Hargeysa.

Maxkamadda Degmada Hargeysa, ayaa Saddexdii bilood ee u horeeyay Sannadkan waxa soo maray isla-markaana ay ka Gar-naqday 671 Dacwadood, kuwaasi oo 366 ka mid ahi yihiin khilaafaadka Qoysaska.

Sidaana waxa sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa Gar-yaqaan Cabdirashiid Beer-geel oo soo bandhigay Waxqabadka Maxkamadda Degmada Hargeysa ee Saddexdii bilood ee Sannadkan u horeeyay, noocyada Dacwadihii soo maray, intay Go’aanka ka gaadheen iyo intay Gacanta weli ku hayaan.

Guddoomiye Beer-geel oo ugu horeyn ka hadlaya Dacwadaha Ciqaabta ah, ayaa yidhi “1-dii bishii koowaad ee Sannadkan 2017 illaa bishii Saddexaad ee sannadkan, waxqabadka Maxkamaddu waa sidan. Maxkamadda Degmada Hargeysa waxa soo galay Sannadkan oo ay Go’aan ka gaadhay 317 Dacwadood oo Ciqaab ah, waxa socda 13 Dacwadood.

Dacwadahaasi (Ciqaabta ahi) waxay u qaybsan yihiin, 41 Dacwadood oo Diin Cay ah, waxa Go’aan laga gaadhay 38 Dacwadood, waxaana socda 3 Dacwadood. Dacwadaha Waalid Caasiga ku saabsan ee Maxkamadda soo galay waa 51 Dacwadood, waxa dhamaaday 49 Dacwadood, waxaana socda 2 Dacwadood. Dacwadaha Isticmaalka Maandooriyaha waxa Maxkamadda soo galay 59 Dacwadood, 56 Dacwadood Maxkamaddu Go’aan bay ka gaadhay, waxaana socda 3 Dacwadood. Dacwadaha Dhaawaca fudud ee Bulshadu isku geysato waxa Maxkamadda soo gaadhay 68 Dacwadood, waxa dhamaaday 67 Dacwadood, waxaana weli socota 1 Dacwad. Dacwadaha loo yaqaanno Faro-saarka (Gacan ka hadal) waxa Maxkamadda soo galay 11 Dacwadood, dhammaantoodna way dhammaadeen oo Go’aan baa laga gaadhay. Dacwadaha ku saabsan Cayda Laf-jabka ah sida Qof Hooyadii la Caayey waxa Maxkamadda soo galay 5 Dacwadood, shantana Go’aan bay Maxkamaddu ka gaadhay.”

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay inay Go’aan ka gaadheen 32 Dacwadood oo u dhexeeyay Dad isku Hanjabay, 11 Dacwadood oo Ciidammada Taraafikadu u gudbiyeen isal-markaana la xidhiidhay Wadeyaal ku gefay Xeerka Waddo-marista.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa wuxuu si faahfaahsan uga warramay Dacwadaha Qoyska ee Maxkamaddu ka gar-naqday Saddexdii bilood ee Sannadkan u horeeyay, waxaanu yidhi  “Dacwadaha ku saabsan Mushkiladaha Qoyska waxa Maxkamadda Degmada soo galay 366  Dacwadood, 316 Dacwadood way dhamaadeen, 50 Qoys Dacwadoodda ayay Maxkamaddu Gacanta ku haysaa.

Dacwadaha Fasaqa ah ee Maxkamadda soo galay waa 42 Dacwadood, waxa dhamaaday 30, waxaana hadhsan 12 Dacwadood, Meherka lagu muransan yahay waxa Maxkamadda soo galay 5 Dacwadood, waxa dhamaaday 3, waxaana socda 2 Dacwadood. Dacwadaha loo yaqaanno LABA GUURKA waxa soo galay Maxkamadda 2 Dacwadood, dacwadi way dhamaatay, midna Gacantaa lagu hayaa. Dacwadaha loo yaqaanno Guri-diidka waxa Maxkamadda soo galay 2 Dacwadood, wayna dhamaadeen. Dacwadaha ku saabsan Carruurta xaddaannadooda la isku haysto (Qofka haynaya) waxa Maxkamadda soo galay 43 Dacwadood, waxa dhamaaday 29 Dacwadood, waxaana socda 14 Dacwadood.

Waxa Maxkamadda Gudaheeda ka dhacay Saddexdaa bilood ee Sannadkan u horeeyay 13 Furriin, waxayna iskugu jireen mid uu Garsoore ku qanci waayay in Qoyskaasi sii jiro isagoo Sharciga u maray, waxa jira furriin ay Dadku ku soo heshiiyaan.

Markaa, Dacwadaha Saddexdii bilood ee Sannadkan u horeeyay Maxkamadda soo galay guud ahaan waa 671 Dacwadood, waxa dhamaaday 518 Dacwadood, waxaana socda oo Gacanta lagu hayaa 153 Dacwadood.”

Gar-yaqaan Beer-geel wuxuu sheegay in ka Gar-naqa Dacwadan ay u xil-saaran yihiin 17 Garsoore oo Laamaha Maxkamadda ka hawl-gala.