Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo La Filayo Inuu Booqasho Ku Tago Dalka Imaaraadka Carabta

Hargaysa 08. June 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa la filayaa inuu maalmahan safar ugu baxo dalka Imaaraadka Carabta. Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay ilo xogogaala.

Wararkan uu Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in socdaalka Madaxweyne Siilaanyo ee dalka Imaaraadka Carabtu yahay mid madaxweynaha u gaar ah, waxaanu dalka ku soo laaban doonaa bishan Ramadaan inta aanay dhammaan.

 

Madaxweyne Siilaanyo ayaa safarkii ugu dambeeyay ee uu dibadda ugu baxay wuxuu kasoo laabtay horaantii bishii March ee sannadkan, isagoo dalka Ingiriiska ku tagay socdaal u gaar ah.