Abu Dhabi 19. June 2017 (SDN/QJ):-Afurinta ugu Weyn Aduunka oo lagu Afurinaayo ilaa iyo dad gaaraayo 30.000 oo qofood Maalin ayaa waxaa la sheegay inay diyaarinteedu ay tahay mid aad iyo aad iyo u baaxad weyn iyadoona ay diyaarinta Afurkaas ay ka qeyb qaataan ku dhawaad ilaa Kun qofood oo ka shaqeynaayo sidii Afurkaas uu waqqtigii loogu talagalay u gaari lahaa dadkaas maanta oo dhan soo Soomanaa.
Masaajidka lagu magacaabo Sheekh Zaayed Grand Mosque oo ku yaala magaalada Abu Dhabi ee dalkaas Imaaraadka Carabta oo ka mid ah meelaha Afurka Bilaashka ama lacag la’aanta ah laga bixiyo inta lagu gudo jiro bisha Ramadaan oo ay soo xaadiraan maalin walba in ka badan 30.000 (Sodon Kun ) oo qofood ayaa diyaarinta afurkaas waxaa uu yahay mid shaqo iyo howl baaxad weyn u baahan si waqti xadidan loogu diyaariyo afurinta dadkaas sida aadka ah u tirada badan, Diyaarinta Afurkaan ayaa waxaa ka qeyb qaato ilaa iyo 350 qofood oo kariye ah, 180 qofood oo Caawiyayaal ah iyo in ka badan 400 oo qofood oo siyaabo kale duwan uga qeyb qaato diyaarinta Afurkaas iyadoona maalin walba lagu diyaariyo Afurkaas Cunto ay ka mid yihiin 7,000 oo kilo oo bariis ah, 12,000 oo kilo oo Dooro ama Digaag ah iyo in ka badan 20,000 oo kilo oo Khudaar ah.
Ugu dambeyntiina iyadoo Diyaarinta Afurkaas ay tahay howl aad iyo u baaxad weyn ayaa Masuuliyiinta Diyaariso Cuntadaas waxay sheegeen inay mar walba ay isku dayaan inay raashin ama cunto nafaqo leh oo waxtar weyna u leh dadkaas Soomanaa ay u diyaariyaan maalin walba asagoona intaas raaciyey in diirada saaraan in waqtiga Afurka ay dadkaas helaan Cunto Fareesh ah oo aan lahayn wax xumaan ah, Masaajidkaan Sheekh Zaayed Grand Mosque ayaa Afurintaas bilaabay sanadkii 2004 ayaa Sanad walba waxaa soo kordhaayey dadka soo xaadira Afurintaas bilaashka ama sadaqada ah si ay uga Afuraan bisha Ramadaan Masaajidkaas.

