Somali: Ciidanka Loogu Magac daray Xasilinta Amniga oo Qaaday Talaabooyin aanay Jelaysan Shacabka Muqdisho!!!

Muqdisho 20. June 2017 (SDN/QJ):- Ciidamada amaanka Soomaaliya ayaa xiray jidcadeyaasha soo gala qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo arrintan aysan jecleysan shacabka caasimada.

Tallaabadan ayaa timid ka dib weerarkii lagu hoobtay ee habeeno ka hor ka dhacay Maqaayadaha Pizza House iyo Posh Traets oo ku yaalla degmada Hodan.

Dhagxaan shub ah iyo caro tuur ayaa lagu gooyey Jid-cadeyaasha ka leexda wadooyin ay ka mid yihiin Zoope illaa Jiiro Miskiin, Isgoyska Banaadir illaa Digfeer, qeybo ka mid ah wadada Maka Al-Mukarama iyo meelo kale.

 

Arintan ayaa saameyn adag ku yeelatay socodka gaadiidka ee wadooyinka ka baxa laamiyada ee gala xaafadaha ay shacabku degan yihiin, iyadoo dadka leh gaadiidka gaarka ah ay dantu ku qasabtay iney wadooyin wareeg ah soo galaan, halka qaar kalena ay ka lugeeyaan gaadiidkooda si ay guryahooda u gaaraan.

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa xiligii ololahiisa doorashada balan-qaaday in la furayo jidadka xiran, kuwo kalena aan la xiri doonin balse waxaa muuqata in Farmaajo ay ku adkaatay fulinta arintaas markii la taliyeyaashiisa amaanka ay ku adkeeyeen.

Caro tuurka iyo dhagxaanta lagu jaro jicadeyaasha ka leexda wadooyinka waaweyn ayaa waxaa ku caan baxday dowladii Madaxweyne Xasan Shiikh, waxaana dad badan arintan ay soo xusuusisay xiligii Muqdisho lagu qabanayey shir madaxeedkii IGAD oo sidan oo kale wadooyinka jidcadeyaasha loo xiray.

 

Lama oga sababta hadda talaabadan soo cusbooneysiisay, saraakiisha laamaha amaanka dowladana ilaa hadda kama aysan hadlin.