Hargaysa 22. June 2017 (SDN/QJ):- Shirkadda maamusha dekadda magaalada Berbera ee Dp World, ayaa gebi ahaan ba hor istaagay qalab dhismaha ah oo wasaaradda Hawlaha guud iyo Guryeynta Somaliland ay u soo iibisay dhismaha wadada Ceerigaabo ee gobalka Sanaag.
Sida ay noo xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo aanu ka helayno dekadda Berbera iyo weli ba sida oo kale wasaaradda hawlaha guud iyo guryeynta Somaliland, ayaa sheegaya in toddobaadkii ina soo dhaafay ay shirkadda Dp World hor istaagtay qalabkaas dhismeed oo wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta Somaliland uu doonaayey in laga soo saaro dekadda Berbera, waxaana ay shirkaddu ku doodey in aan qalabkaas laga saari karin dekadda illaa ay Xukuumaddu bixiso lacagta ay dekaddu ugu adeegtay qalabkaasi soo dejintiisa, balse waxa uu taas diidey wasiirka wasaaradda hawlaha guud iyo guryeynta Somaliland Md.Cali Mareexaan.
Wararku waxa ay intaas ku darayaan in qalabkan oo dhowr toddobaad ku xanibnaa dekadda Berbera markii dambe lagu soo daayey warqad codsi ah oo Madaxweynaha Somaliland oo uu qoray shirkadda Dp World, taasi oo uu ku caddeeyey in qalabkaasi yahay qalab ay dawladdu iska lee dahay isla mar ahaantaana uu ka codsanaayo in la soo fasaxo.
Arrintan oo ah mid ugub ah isla mar ahaantaana dhaawac ku ah heykalka dawladnimo ee qaranka Somaliland maadaama oo Xukuumadda Somaliland aanay dekadda kala soo degi karin wax iyada u gaar ah, ayaa sida oo kale ay arrintani waji gabax iyo weli ba fadeexad ay ku noqotay wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud oo markii hore u soo xeyd-xaydanaayey siddii uu qalabkaas u soo dhaafin lahaa dekadda Berbera balse ay maamulayaashii dekadda Berbera ee shirkadda Dp World ay u sheegeen in aanay gebi ahaan ba garaneyn cidda uu yahay.

