“Maamulka Somaliland oo Dhan haddii nala siiyo Dooni Mayno, Heshiiska Galaydh-na..” Garaad Saleebaan G. Maxamed DAAWO

Garowe 22. June 2017 (SDN/QJ):- Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud iyo Boqor Cabdillaahi Axmed Cali oo ka mid ah Madaxda Dhaqanka Beelaha Sool iyo Buuhoodle, ayaa qaaddacay Heshiiska 17-kii bishan Hargeysa ku dhex-maray hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh iyo Guddiga Wadahadalka Khaatumo lagula jiro u qaabbilsan Somaliland.

Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ugu horreyn ka hadlay Shir Jaraa’id oo ay wada-jir ugu qabteen magaalada Garoowe ee Xarunta Maamul-goboleedka Puntland, ayaa sheegay haddii ay yihiin Beelaha Dhul-bahante xataa haddii hoggaaminta Maamul ee Somaliland oo dhan lagu wareejiyo Beel ahaan inaanay doonayn oo aanay qaadanayn wakhtigan.

 

Qodobbada Heshiiska Somaliland iyo Khaatumo oo muddooyinkii dambe wadahadallo u socdeen ku kala saxeexdeen 17-kii bishan June magaalada Hargeysa, waxaa ka mid ahaa in Dastuurka Somaliland la furo, in Somaliland loo wada sinnaado iyo qodobbo kale oo dhawr ah.

 

Hase-yeeshee, Garaad Saleebaan oo ka mid ah Isimmada Saamaynta muuqata ku leh deegaannada Beeshiisu degto ee Sool iyo Buuhoodle iyo Boqor Cabdillaahi, waxay sheegeen inaanay arrimahaas wakhtigan diyaar u ahayn, waxay kala socdaanna jirin, sidaas awgeedna ay ka soo horjeedaan oo aanay oggolayn, khusayna heshiiska Somaliland iyo Khaatumo dhex-maray.

 

Waxaannu Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud iyo Boqor Cabdillaahi Axmed Cali Shirka Jaraa’id ee ay ku qabteen Garoowe iyo qodobbada ay kaga hadlen-ba, idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

https://www.youtube.com/watch?v=6FO53Y6s2AU