Ugu Yaraan 35 Ruux oo Ku Dhaawacmay Dagaal Ka Dhacay Jamhuuriyada Africada Dhexe

Hargaysa 23. June 2017 (SDN/QJ):- Hay’adda dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ayaa sheegtay in ugu yaraan 35 qof ay ku dhaawacmeen dagaal ka dhacay Jamhuuriyada Afrikaada dhaxe maalin uun ka dib markii heshiis xabad joojin ah ay kala saxiixdeen dowlada iyo kooxaha mucaaradku.

Shalay ayay  dawladda iyo kooxaha Mucaaridku xabad joojin ku kala saxiixday magaalada Rome ee dalka Talyaaniga oo dhexdhexaadinayey xukuumada Jamhuuriyadda Afrikada dhexe iyo kooxaha falaagada ah ee dalkaasi.

 

Heshiiska Xabad joojinta ayaa dhabaha u xaadhaya in mucaaradka laga qeybgeliyo geedi-socodka nabadda iyo siyaasadda, si ay iyaguna rabshadaha u soo afjaraan.

 

Heshiiskan waxa Gadhwadeen ka hayd kaniisada katooliga waxaana la doonayey in lagu soo afjaro rabshadaha mudada dhawrka sanadooda ka socday dalkaasi ee ku salaysan Diimaha.