Magaalo Afrika Ku Taalla Oo Noqotay Magaaladda Ugu Qaalisan Caalamka!!! SAWIRO

Luanda 23. June 2017 (SDN/QJ):- Magaalada Luanda ee caasimadda u ah dalka Angola ayaa noqotay magaalada ugu qaalisan caalamka ee ay dad ajnabi ah ku noolaadaan, waxayna kaalintaasi kala wareegtay magaalada Hong Kong oo hadda kaalinta labaad gashay.

Waxay xogtaasi ka soo baxday qiimayntii 23aad ee lagu sameeyo qiimaha nolosha oo ay samaysay shirkadda Mercer.

 

Labadaas magaalo waxaa shanta kaalmood ee hore ku weheliya Tokyo, Zurich iyo Singapore.

Magaalada London ayaa dib ugu dhacday kaalinta 30aad, waxaana arrintaas qayb ka ah qiimaha lacagta giniga ah oo hoos u dhacday, iyadoo magaalooyinka waawayn ee UK ay sidoo kale hoos u dhaceen.

Qiimayntan sannad laha ah waxaa lagu eegaa waxyaabo ka baxsan kirada guryaha ee ay ajaaniibtu kiraystaan.

Magaalo kaste waxaa laga qiimeeyaa 200 oo shay oo ay ka mid yihiin, qiimaha guryaha, dharka, cuntada iyo waxyaabaha maaweelo ahaan loo adeegsado.

 

Tusaale ahaan qiimaha kirada caalamiga ah ee saddexda qol ee aan qalabaysnayn ee ku yaalla meel wanaagsan intooda badan waa 13,000 oo doolar.

Guud ahaan magaalooyinka Aasiya iyo kuwa Yurub ayaa u qaalisan, Kaalimaha lixaad ilaa tobnaadna waxaa kala galay Seoul, Geneva, Shanghai, New York iyo Bern.