Hargaysa 02. August 2017 (SDN/QJ):- Xisbul-xaakimka talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa jawaabo ka bixiyey hadallo uu ku sheegay inay deelqaaf yihiin oo kaga yimid xubno siyaasiyiin ah oo dhawaan ku biiray xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.
Afhayeenka xisbiga KULMIYE Md. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee xisbigu ku leeyahay magaalada Hargeysa, ayaa soo bandhigay boob iyo dhac hanti ummadeed ah oo ay dalka ka gaysteen xubnaha siyaasiyiinta ku biiray WADDANI waqtiyadii ay awoodaha ku lahaayeen xukuumadihii kala dambeeyey ee dalka soo maray oo xilal kasoo qabteen iyo boogo qarsoon oo uu leeyahay guud ahaan xisbigaasi.

