Hargaysa 21. August 2017 (SDN/QJ):- Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare ee Somaliland ayaa cadaysay inay Ruqsadii kala noqotay 7 Dugsi sare oo ku yaala caasimadda hargaysa kadib markii ay u hogaansami waayeen awaamiir ka soo baxday Wasiirka Waxbarashadda.
Wasaaradda Waxbarashadda Iyo Tacliinta Sare ee Somaliland ayaa Hore Waxay u Shaacisay Gaar ahaan Wasiirka Wasaaradaasi inuu Ruqsadii kala noqday Mid ka mid ah Jaamacadaha dalka hasa yeeshee maalmo kadib waxa uu hadana wasiirku sheegay in arrintaas la xaliyey Jaamacadaasina sideedii ay ku wadanayso shaqadii ay haysay.
