Hargaysa 30. August 2017 (SDN/QJ):- Badhasaabka gobolka Awdal mudane Mustafe Cabdi Ciise Shiine ayaa ka hadlay shaqa joojinta uu ku sameeyay madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici.
Waxaanu gudoomiye Mustafe sheegay in uu xaq uu leeyahay in uu shaqada ka joojin karo balse taasi ay caddaan doonto marka uu soo noqdo madaxweynaha qaranka Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo hada hawlo shaqsi dalka dibadiisa ugu maqan.
Badhasaabka gobolka Awdal mudane Mustafe Cabdi Ciise ‘’Mustafe Shiine’’ isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi “Madaxweyne ku xigeenku imika waa ku simaha Madaxweynaha, markaas xaq bu u leeyahay balse inuu shaqo joojin igu sameeyo hase ahaate marka Madaxweynahu soo laabto ayuu shaqada igu celin ama iga qaadi doonaa.”.
Mustafe Shiine Waxaa Kale oo uu Xusay in Khilaafka isaga iyo Madaxweyne Ku Xigeenka u Dhexeeyaa aanu hada Bilaaban ee uu soo taxnaa Tan iyo Markii loo dhiibay Xilka Gudoomiyaha Gobolka Awdal,Waxaanu intaas ku daray inay iman doonto maalin uu si fiican uga Hadlo.
