Hargaysa 11. September 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Ololaha Doorashada ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng Axmed Xirsi Ducaale ayaa ka hadlay qaabka uu Xisbigooda ucid u galayo Ololaha Doorashadda Madaxweyne ee Somaliland la filayo inay ka dhacdo 13-ka Bisha November ee sannadkan.
Gudoomiyaha Ololaha Doorashada ee Xisbiga Ucid oo u Waramayay Barnaamijka Milicsiga siyaasiga ee Ka baxa Telefishanka Universal isla markaana uu isku soo duba rido Suxufi Faysal Maxamed Cabdi Fadh Fadhle ayuu kaga waramay Shaqooyinka iyo Waayo aragnimadiisa Waxaanu Gudoomiyuhu ka Sheekeeyay Dalal badan oo uu ka soo shaqeeyay.

