Berbera 06. October 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Magaaladda Berbera si balaadhan loogu soo Dhaweeyay Siyaasi Ibraahin Xaaji Cabdi oo ka mid ah Gudida Ololaha Doorashadda ee Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Saaxil.
Siyaasigan ayaa lagaga hor tagay deegaanka Xabaalo tumaalo waxaana Gaadiid Tiro badani u Gelbiyeen Magaaladda Berbera.
Dhacdadan ayaa loo arkaa Mid Xisbiga Kulmiye ku Mutaysan karo Ganaax la Mid ah Kii Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani lagu Xukumay,Maadaama isu soo bax weyn lagu soo dhaweeyay Siyaasigan.

