Hargaysa 07. October 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiye Ku Xigeenkii Hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawlada Isla markaana ahaa Aasaasayaashii Xisbiga Kulmiye Maxamud Cabdilaahi Xarbi ayaa Maanta waxa uu Si rasmi ah u Shaaciyey inuu Guud ahaanba iska Casilay Xilkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Talada dalka haya ee Kulmiye kuna Biirayo Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.
Maxamud C.laahi Xarbi Waxa uu Mudo dheer ahaa agaasimihii Maamulka Xarunta Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Waxa kale oo uu Noqday Agaasimaha Maamulka ee Xarunta Madaxtooyadda Somaliland iyadoo Markii u danbaysayna uu ahaa Gudoomiye ku xigeenkii Hay’adda shaqaalaha dawlada Somaliland.
https://www.youtube.com/watch?v=Cm4h856gT14
