Madaxweynaha Punt land oo Dib u Hawlgeliyey Taliyihii Ciidanka Booliska Maamul Goboleedka Punt land

Garowe 08. October 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u fasaxay Taliyaha ciidamada Booliiska Puntland C/qaadir Shire Faarax ( Ereg) in dib uu shaqadii u bilaabo ka dib markii bishii September Madaxweyne k/xigeenkii Puntland uu shaqada ka fariisiyay.

Wareegto uu soo saaray Madaxweyne Gaas ayaa lagu amray dhammaan hay’adaha dalka inay la shaqeeyaan taliyaha.

 

Qoraal ka soo baxay aqalka madaxtooyada ayaa lagu yidhi “Waxaa Dhammaan Hay’adaha ay warqadani tooska iyo ogeysiinta ay ugu socoto lagu wargelinaya in Shaqadii loo fasaxay Taliyaha Ciidanka Booliiska Dowladda Puntland C/qaadir Shire Faarax (Ereg), Shalay oo ay taariikhdu ahayd October,7,2017.”

 

Taliye Ereg ayaa shaqada laga joojiyay ka dib markii khilaaf soo kala dhex-galay isaga iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, khilaafkaasi oo la xidhiidhay 12 dhalinyaro oo laga sii daayay saldhiga dhexe ee caasimadda Garoowe, kuwasoo  uu sheegay sifo sharci ah loogu fasaxay xabsiga markii la cadayn waayay dambiyadii lagu soo eedeeyay.

 

Dhalinyaradan ayaa waxaa soo xidhay Taliyaha la dagaalanka argagixisada iyo mukhaadaraadka Muxuyadiin Axmed Muuse.