Qaramada Midoobay oo Ku eedaysay Ciidanka AMISOM in Sannadkii tegay ay Somalia ku Dileen 42 Caruur ah

New York 09. October 2017 (SDN/QJ):- Qaramada Midoobey waxay Ciidanka howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ku eedeysay in sanadkii la soo dhaafay ee 2016ka ay Soomaaliya ku dileen 42 Carruur ah.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres,ayaa Golaha amaanka ee Qaramadaa Midoobey ka hor sheegay in khasaaraha ugu badan uu dhashay xilliyada howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab ay fulinayaan Ciidamada AMISOM ama ka jawaabayaan weerarrada gaadmada ah ee ay la kulmaan.

Ciidamada Kenya ayaa lagu eedeeyay in ay u badanyihiin laynta Carruurta Soomaalida ah oo diyaaradahooda dagaalka ay Carruur badan ku laayeen Gobollada Jubbooyinka.

11 Carruur ah ayaa warbixinta lagu sheegay in Diyaaradaha Kenya ay hal meel ku dileen duqeyn ay ka geysteen Gobolka Gedo ee Koofurta Soomaaliya.