Guddida Anshaxa Doorashadda oo ka Dalbaday Gudoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha Dawladu inuu anshax Marin ku sameeyo Agaasimaha Maaliyadda ee Komiishanka AIDS-ka oo Ka mid noqday Gudi xulaysa Muraaqibiinta Kulmiye

Hargaysa 09. October 2017 (SDN/QJ):- Guddida anshaxa doorashooyinka ayaa guddoomiyaha haayada shaqaalaha dawlada Sharmaake Axmed Muxumed Geele ku amray inuu talaabo anshax marineed uu ka qaado Cabdikariin Axmed Maxamed (xinif) oo ah agaasimaha maaliyada ee Komishanka la dagaalanka AIDS-ka oo lagu arkay liiska soo xulayaasha goobjoogayaasha xisbiga Kulmiye.

Gudida ayaa amarkan anshax marineed soo saartay iyada oo tixraacaysa digreetadii madaxweyne Axmed Siilaanyo uu ka soo saaray hantida dawlada iyo shaqalaahuhu in aanay ku dhex milmi karin asxaabta doorashada ku tartamaysa.

Guddiga uu Cabdikariin Xinif ka midka yahay, ayuu Musharrax Muuse Biixi u magacaabay Guddiga Diyaarinta iyo Maamulka Muraaqibiinta ee Kulmiye, waxaanay sidoo kale Guddigaas oo uu Guddoomiye u yahay Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, ay masuul ka noqon doonaan adeegsiga Farsamada cariga ah ee IT-ga iyo Xog-ururinta (Data Collection), sida lagu sheegay Wareegtada uu Guddoomiyaha Kulmiye ku magacaabay Xubnahaas.

Qoraalka gudida anshaxu ay soo saartay oo dhamays tiran waxa ay u dhignayd sidan”Anaga oo tixraacayna digreetada madaxweynaha JSL/M/WM/222-5062/092017 ee reebanaanta u adeegsiga hantida qaranka ee doorashooyinka ee ka reebaya shaqaalaha dawlada in aanay ka qaybgalin ollolaha xisbiyada ee doorashada madaxtooyada ee soo socota.

 

Markaanu helnay liiska gudiga soo xulista goobjoogayaasha xisbiga Kulmiye uu ku jiro xubina ka yahay Cabdikariin Axmed Maxamed oo ah agaasimaha maaliyada ee Komishanka la dagaalanka AIDS-ka.

 

Markaanu eegnay qodobka 12-aad faqradiisa 2-aad xeerka habdhaqanka doorashooyinka ee xisbiyada ka reebaya ka qaybgalka shaqaalaha dawlada inay ku dhex milmaan hawlaha xisbiyada wakhtiga doorashada.

 

Guddi ahaan waxaanu soo jeedinaynaa inaad gudoomiye ahaan aad ka qaado talaabada anshax marineed ee ku haboon si loo hirgaliyo waxii lagu heshiiyay iyo amarka madaxweynaha ee arimahaas la xidhiidha.”