Jeesaan 11. October 2017 (SDN/QJ):- Afar qof oo saddex caruur ahaayeen ayaa ku dhintey, afar qof oo kalena waxa ka soo gaadhay dhaawacyo Dab ka kacay dhisme la degan yahay oo ku yaala magaalada Jeesaan ee dalka Boqor tooyadda dalka Sucuudiga.
Afhayeenka Rasmiga ee maamulka difaaca madaniga ah ayaa waxa uu sheegey in dhismahaasi uu gubtay galabnimadii shalay, iyadoo ay u suura gashay hawl-wadeenada dab-damisku in ay xakameeyaan dabkaasi.
Dadkii waxyeeladu ka soo gaadhay dabkaas ayaa hawl-wadeenadda Caafimaadka ee Bisha Cas iyo kuwa difaaca Madaniga ahi ay ula carareen cisitaalka, si halkaasi loogu daaweeyo
Wakaaladda wararka dalka sucuudiga oo warkan faafisay may sheegin sababta dabku ka dhashay iyo waxa sabaay midna.

