Maraykan: Nin Meydkii Hooyadii & Walaalkii Guri Ku Haystay Muddo Sanad Ah !

Minnesota 11. October 2017 (SDN/QJ):- Arrin aad u layaab badan oo ka dhacday dalka Maraykanka, sida aynu wada ognahay in marka uu qof dhinto ee la xaqiijiyo dhimashada qofkaasi waxa loo diyaariyaa sidii loo aasi lahaa ee ugu dhakhsaha badan, balse Nin u dhashay dalka Maraykanka ayaa waxa meydka hooyadii iyo walaalkii oo ay mattaano ahaayeen ku haystay guriga muddo sanad ah.

Ninkan ayaa diiday inuu aaso meydadka hooyadii iyo walaalkii waxaanu sida ay wakaaladaha wararka ee dalkaasi shaaciyeen oo Wargeyska Himilo kasoo xigtay uu meydadkaasi hayey sanad iyo wax ka badan.

Ninkan oo magaciisa la yidhaahdo Robert James ayaa waxa uu haystay meydka hooyadii oo la sheegay in markii ay geeriyootay ay da’deedu ahayd 94 jir magaceedana la odhan jiray Ephlin Coveler, iyo waliba meydka walaalkii oo la sheegay inuu ka hor geeriyooday hooyadii, waxaana la odhan jiray walaalkii Richard, ninkani ayaa doonayay inuu meydadkaasi ku dhex haysto guriga, balse ciidammada gobolka Menasota ayaa markii ay ogaadeen waxay ku qasbeen inuu si degdeg ah u aaso, ninkan ayaan marnaba aaminsaynayn dhimashada hooyadii iyo walaalkii waana sababta keentay inuu meydkooda sanad in ka badan uu ugu dhex haystay guriga.