Madaxweynaha Sudan Cumar Al-Bashiir oo ka hadlay Dadaalada Urur Goboleedka Igad ka wado Bariga Africa

Khartoum 11. October 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Dalka Sudaan Cumar Xasan Al-bashiir ayaa sheegay in dalkiisu taageerayo dhammaan dedaalada Urur goboleedka IGAD ugu jiro sidii  nabad iyo deganaansho looga xaqiijin lahaa  gobolka bariga Afrika.

Madaxweyne Al-Bashiir ayaa hadalkaasi ka sheegay kullan uu la yeeshay Madaxa nabadda iyo amniga Urur Goboleedka IGAD oo ay ka wada qayb galeen Shirkii istiraatijiyadii Wada tashiga arimaha Gobolka Geeska Afrika ee ka qabsoomay Magaalada Kharduum ee caasimadda dalka Sudaan.

Madaxweyne Bashiir waxa kale oo uu sheegay in dalkiisu diyaar u yahay sidii uu gacan uga gaysan lahaa dhammaan wixii suuragal ah ee la xidhiidha xoojinta nabadgelyada iyo deganaanshaha Geeska Afrika.