Berbera 29. October 2017 (SDN/QJ):-Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo ay maanta ahayd maalintiisii seddexaad ee isu soo baxa ololaha doorashada madaxtooyadda ayaa ololahiisii u bedelay hab samafal ah isla markaana deeq xoola nool ah gaadhsiiyey Cisbitaalada iyo xarumaha ay ku sugan yihiin dadka danyrata ah ee gobolada iyo degmooyinka dalka.
Murashaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani Md: C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) iyo mas’uuliyiin kale oo xisbigaasi katirsan ayaa taageerayaasha xisbigaasi khudbado uga jeediyey Fagaaraha 26-ka June ee magaaladda Berbera.
https://www.youtube.com/watch?v=G6WwuhRviUo
