Hargaysa 23. December 2017(SDN/Q):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Muuse Biixi Cabdi, ayaa xubnaha golaha wasiirrada u daah-furay kulan ballaadhan oo lagaga tashanayo qorsheyaasha ay xukuumaddu ku hawlgeli doonto mustaqbalka soo socda oo ay gundhig u yihiin buug-siyaasadeedka xisbiga KULMIYE iyo qorshaha horumarinta qaranka ee labaad (Somaliland National Plan II).
Kulankan oo maanta lagu qabtay Hotel Royal Palace ee galbeedka caasimadda Hargeysa, ayaa waxa ka qaybgalay madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, dhammaanba xubnaha golaha wasiirradda iyo hoggaanka mac-hadka hay’adaha shaqaalaha dawladda, waxaana uu socon doonaa muddo Afar maalmood ah, iyada oo lagu diyaarin doono qorsheyaasha ay xukuumaddu ku hawlgeli doonto sanadaha soo socda, gaar ahaan afarta bilood ee inagu soo foolka leh ama 120 maalmood ee ugu horeeya xukuumadda.
