Taliska Ciidamda Puntland oo Cadeeyaay In Awood Kula Wareegen Ciidamada Qaranka Somaliland Deegano ay Hore U Joogeen

Garowe 08. January 2018 (SDN/QJ):-Taliyaha ciidamada Maamulka  Puntland Jen, Jimcaale Jaamac Takar ayaa ka hadlay dagaal dhexmaray Ciidamada Jamuuriyada  Somaliland iyo Kuwa Maamulka Puntland , kaas oo ay Ciidamda Somaliland ku qabsadeen deegaanada Tukaraq iyo Fadhadhyaale oo ay horey u joogeen ciidamada Maamulka Puntland.

Taliyaha ayaa sheegay in waxa dhacay ay ahayd dagaal qorsheysan oo ay Somaliland soo qaaday, isla markaasna ay ka jawaabi doonaan ciidamada Maamulka Puntland.