Hargaysa 11. January 2018 (SDN/QJ):-Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici ayaa Maanta soo Gabo gabeeyay Kulan hawleed Mudo Sadex Cisho ah socday oo lagaga arrinsanayay sidii dalku u gaadhi lahaa isku filnaansho dhanka cuntada ah.
Shirkan ayaa waxaa ka qayb qaadanayay Khubaro ka kala socota Wasaaradda Beeraha, Hay’adaha Wada shaqayntu ka dhaxayso iyo Aqoon yahano ku takhasusay culuunta beeraha.
