|

Al Shabaab oo shaaciyay ruuxii isku qarxiyay xerada Bariire

Muqdisho March 12, 2023 (QJ) – Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay muuqaal cusub oo ay ku muujineyso nin Ajaanib ah oo la sheegay in uu ka qeyb qaatay weerarkii lagu qaaday saldhiga ciidamada ee Bariire 3-dii April 2021.

Weerarka oo isugu jiray walxaha qarxa iyo mid ismiidaamin ah ayaa sababay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray ciidamada Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor ayaa fariisin ku leh saldhiga la beegsaday. Shaqsiga la aqoonsaday ayaa watay gaari loo adeegsaday weerarka.

Ramadan Mwani oo sidoo kale loo yaqaano Cabdulxaq Al-Muhaajir ayaa la rumeysan yahay inuu u dhashay dalka Kenya, waxaana la sheegay inuu ka tirsanaa Al-shabaab in muddo ah. Al-Shabaab ayaa sheegtay in Mwani uu sidoo kale ku lug lahaa weerarkii lagu qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka ee Manda Bay 5-tii Janaayo, 2020.

Al-Qaacida ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, oo ay ku sheegeen inay ugu aargudayeen dilkii Qasem Soleimani, taliyihii Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran oo lagu dilay Baqdaad.

Dhowr askari oo Mareykan ah iyo qandaraasleyaal ayaa ka mid ahaa dadkii lagu dilay weerarkii saldhigga Bariire, kaasoo lagu burburiyay diyaarado iyo qalab kale oo la sheegay in malaayiin dollar ku kacayay, ayna ka howlgalayeen ciidamo Mareykan ah oo halkaas ku sugnaa.

Comments are closed