|

Dhaawcii dagaalada Laascaanood oo Muqdisho lagu dhayayo

Muqdisho March 22, 2023 (QJ) –  Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka warbixisay 17 qof oo ku dhaawacmay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kuwaas oo loo soo qaaday magaalada Muqdisho si loogu daweeyo.

Shaqsiyaadkan ayaa laga soo duuliyay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal, waxaana markii ay soo gaareen magaalada Muqdisho isla markiiba loo qaaday isbitaallo kala duwan.

Agaasimaha Guddiga Gurmadka Qaran ee Gurmadka Masiibooyinka Xasan Ciise oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dadka dhaawaca ah ay xaaladoodu aad u liidato, islamarkaana daryeel caafimaad loogu fidin doono magaalada Muqdisho.

Arintan ayaa ku soo beegmaysa xili ay wali hay’ada ka hortaga masiibooyinka ay ka jawaabto colaada ka taagan magaalada Laascaanood ee u dhaxaysa ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC.

Comments are closed