|

Faysal Cali Waraabe Oo Xilkii Ka Qaaday Guddoomiyihii Gobolka Saaxil Ee Xisbiga UCID

Hargeysa,2,7,2016 (QJ/SDN) – Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng.Faysal Cali Waraabe oo goordhaweyd war saxaafadeed uu soo saaray nuqul ka mid ah soo gaadhay xafiiska war qabadka ee shabakadda Qurbejoog.Com ayaa waxa uu sheegayaa in gudoomiyuhu uu xilkii ka qaaday Marwo Rooda Axmed Yaasiin Gudoomiyihii xisiga UCID ee gobalka Saaxil.

Gudoomiye Faysal  ayaa xil kaa qaadistiisa u cuskadey ka dib markii Rooda Axmed Yaasiin ay eedaymo iyo aflagaadooyin ay u geysatay dawladda Imaaraadka Carabta, kaddib hesiiskii dekedda Berbera ee shirkadda DP World.

Halkan Hoose ka Akhriso Warsaxaafadeedka Xilka Lagaga Qaaday Marwo Rooda.

  deg

Comments are closed