|

Guddida Sahan-Barwaaqo Oo Soo Saartay Go’aamo Ay Ku Taageerayso Riig La Sheegay In Biyo Loogu Soo Saarayo Banka Qool-caday

Hargeysa , 23,4,2016(QJ/SDN) – War qoraal ah oo goordhaweyd kasoo baxay Guddida Sahan Barwaaqo [Guddida Guud Ee Beelwaynta Ciidagale] ayaa lagu sheegay in guddidaasi ay taageersantahay in biyo laga soo saaro deegaanka banka Qoolcaday oo muran badan ka taaganyahay murshruuc ay biyahaasi horudhac u yihiin.

Sahan-Barwaaqo ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in ay wakhti kooban isku dayi doonto in ay la kulanto Dowladda Somaliland iyo dad ay sheegeen in ay aaminsanyihiin aragti kasoo horjeedda, haddii ay taasi u suurtogali waydana ay go’aan qaadashada hawshaasi u daynayaan dowladda Somaliland.

Sidoo kale qoraalka Sahan-Barwaaqo ayaa lagu sheegay in Afka Guddidaasi ay ku hadli karaan oo kaliya Guddida Fulinta ee Sahan-Barwaaqo.

Haddaba Halkan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay Sahan-Barwaaqo;

Go’aamo ka soo baxay Guddida Fulinta SAHAN BARWAAQO.

Kulan caawa guddida fulinta ee SAHAN BARWAAQO yeesheen, Ayaa waxay ka soo saareen Qodobadan hoos ku xusan:

  1. Guddida SAHAN BARWAAQO Waxay Ogoshahay taageersan tahayna in Biyaha laga Qado Banka Qoolcadey.
  2. in Guddida SAHAN BARWAAQO Wakhti kooban u hesho in labada darafba la kulanto ee dowladda iyo dadka aaminsan aragtida ka soo horjeeda.
  3. Hadii ay taasi suuroobi weydo, dowladda ayey u taal go’aan qaadashada hawshaasi.

Fiiro Gaar ah: Afka Guddida SAHAN BARWAAQO Waxaa ku Hadli kara Guddida Fulinta oo kaliya.

Caaqil Maxamed Abdillahi

Afhayeenka Guddida SAHAN BARWAAQO.

Comments are closed