|

HARGEYSA: Qiimaha Raashinka Dalka oo Kor u kacay iyo Isticmaalkiisa soo kordhay

RAASHIN

Hargeysa,19,7,2016 (QJ/SDN) – Raashinka Wadaniga loo yaqaan ee ka soo baxa Beeraha Waddanka gudihiisa, ayaa isticmaalkoodu muddooyinkan dambe sare u kacay,isla markaana Habeenkii inta badan dadku cashadda ka dhigtaan cunto wadani.

Suuqyadda lagu iibiyo Raashin wadaniga ee Beeraheenna laga soo saaro, ayaa kor uga kacay qiimaha awal hora la kala siisan jiray, iyadoo ay saameyn ku yeelatay abaarihii dhowaan ka dhacay dalka.

Raashinka Waddanka ee aad ka loo iibsado, ayaa kala ah Galleyda, Hadhuudhka, Qamadiga, Digirta, Waxayna Dadweynaha Reer Somaliland, gaar ahaan caasimadda ka yihiin raashin muhiim ah, iyadoo habeenkii goobaha lagu sameeyo cunto wadaniga aad arkayso safafka loogu jiro kala iibsigoodda.

Ganacsatadda Raashin Wadaniga ayaa sheegay in sanadkan sidii larabay u soo wada go’in, maadaama oo sanadkan abaar ba’ani ka dhacday guud ahaan Somaliland, gaar ahaan beerihii lagu beeri jiray oo u badnaa galbeedka Somaliland.

Foosiya Axmed Ismaaciil oo ka mid ah ganacsatadda iibisa Raashin Wadaniga oo ka hadlaysa sida dadku usoo fahmayaan isticmaalka Cunto wadaniga oo ay sheegtay inay ka faa’iido badan tahay cuntooyinka kale, iyadoo arrintaasi ka hadlaysa waxay tidhi “waxaan iibiiyaa Raashinka Wadaniga sida hadhuudhka, Arabikhidda, Sareenka, Harakooga, Dadku markii hore ma aqoon cunto wadaniga, balse hadda si fiican bay nooga iibsadaan oo waaba Dawo oo caafimaadka ayaa ku jira, Dhakhaatiirta ayaa naga iibsata, cuntaddu qaali maaha, cashuurta la naga qaadaana waa shan boqol oo shilling, teedda kale waxa intaa ku darayaa sanadkan abaaraha ayaa saamaysay oo waa taa suuqa laga dareemayo, waana taas sixirkoodu kordhay”

“Anigu waxaan imika iibsanayaa digirta, waxaana u soo jeedin lahaa Dadweynaha in ay iibsadaan Raashinka aynu beeranay, waxaynu nahay dad wax qabsan kara ee aynu wax soo saar badan samayno, si aynu iskugu filaanno.”ayuu yidhi Aadan Maxamed oo ka mid ah dadka Isticmaala Cunto wadaniga oo marka kula kulanay suuqa lagu iibiyo raashin Wadaniga.

“Anigu muddo badan baan ka gancsanayay suuqan waxaan iibiyaa garawga iyo galayda iyo sidoo kale digirta wadaniga ah waxaan wax ku miisaana waa galaanka oo Galaanka Hadhuudhka waxaanu siinaa afar kun oo Somaliland shiling”ayey tidhi Saynab Cali oo ka mid ah dadka ka baayac mushtareeya Raashin Wadaniga.

Faadumo oo iyana ka mid ah dadka ka ganacsatadda Raashinka ayaa is barbar dhig ku samaynaysa qiimihii markii hore ay siin jirtay iyo imika qiimaha ay siiyaan, waxaanay sheegtay in abaarihii dhacay saameeyeen Raashin Wadanigii dalka ka soo baxayey, taasina ay keentay inay qiimaha Raashinku uu kordho, iyadoo arrimahaasi ka hadlaysa waxay tidhi “ Joonyadda hadhuudhkii waxa ku jira konton galaan, waxaanu barigii hore siin jirnay  125 kun Somaliland shilig ah, hadda wuxuu marayaa 150,000 SLSH, Galayda iyadu joonyaddu waa boqol iyo konton kun SL SH, laakiin maanta waxay maraysa laba boqol iyo labaatan kun slshl, Digirta jawaankeeddu waxay markii hore ahayd sadex boqol imika shan boqol oo kun SHSL.”

Dhinaca kale, Khudaarta ayaa gabi ahaanba wadanka laga waayey, isla markaana khudaartii ka iman jirtay Itoobiya ay sixir qaai ah ku imanayso wadanka, taas oo aanay dadkuba goyn Karin.

Killooga khudaarta ayaa markii hore ahaaa shan kun Somaliland shilling, halka uu imika ka yahay Lix iyo toban kun SLSH oo aan wax nafaqo ah lahayn oo ay qalashay, taasina waxay keentay kadib markii khudaarta wadanka ka soo bixi jirtay aanay soo go’in abaaraha dhacay awgeed.

Comments are closed