|

Hoggaamiyaha Al-Qaacidda oo Al-Shabaab Ugu Baaqay in ay Sare u qaaddo Weerarada Muqdisho iyo Kenya

ayman

Muqdisho,2,7,2016 (QJ/SDN) – Sheekh Dr. Aymen Al-Dawaahiri Hoggaamiyaha Ururka Al Qaacidda ayaa kalimad maqal iyo muuqaal ah oo uu jeediyay uga hadlay dagaalka ka socda Soomaaliya.

Dawaahiri ayaa xarakada Al-shabaab ku ammaanay dagaal ay kula jiraan ciidanka dowladda Somaaliya iyo AMISOM.

Al Qaacidda waxay Xarakada Al-Shabaab ugu baaqday in ay sare u qaaddo weerarada ka dhanka ah AMISOM iyo dowladda Federaalka ee ka socda magaalada Muqdisho.

“Walaalaheyga Mujaahidiinta geesiga Afrika waxaan ugu hambalyaynayaan howlgalladooda barakaysan ee Muqdisho iyo Kenya ay ka wadaan”ayuu yidhi Aymen Al-dawaahiri.

Hoggaamiyaha Al Qaacidda ayaa si gaar ah ugu baaqay Al Shabaab in ay xoojiso dagaalka ay kula jirto dowladda Federaalka oo uu sheegay in ay soomaaliya kusoo hoggaamisay ciidamada dowladaha shisheeye “Waxaan idinku boorinayaa in aad la dagaalantaan Murtadiinta khuwanada ah ee dalka soomaaliya ee muslimka ah usoo gelbiyay ciidamada saliibiyiinta ah, burburiya kuwaas iyaga iyo xukuumadooda idinkoo gaashanaya allaah”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Dr.Aymen Al-Dawaahiri.

Al Qaacidda ayaa sheegtay in Al Shabaab ay mas’uuliyad ka saarantahay difaacidda muslimiinta Afrika Afrika iyo badhtamaha qaaradda.

Fariintan katimid Ururka Al Qaacidda ee ku wajahan Soomaaliya ayaa kusoo aadaysa xilli dowladda Federaalka iyo beesha caalamku ay dedaal ugu jirto inay doorasho ka dhacdo dalka Soomaaliya.

Xarakada Al Shabaab ee ku xidhan Alqaacidda ayaa bilihii lasoo dhaafay qaadaysay weeraro xoog ku gal ah oo ay ku qaadayaan saldhigyo ciidamada AMISOM ku lahaayeen Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Ayman Al-Dawaahiri

Comments are closed