|

Madaxdhaqameedka SSC oo la kulmay ergo Itoobiyaan ah

Garoowe March 05, 2023 (QJ) – Dawladda Itoobiya ayaa la sheegay inay bilowday wada-hadallo ay la yeelanayso labada dhinac ee Somaliland iyo Madax-dhaqameedka Gobollada SSC, si xal looga gaadho colaadda taagan. Wararka ayaa sheegaya in wafdigan oo hore u soo booqday Hargeysa, isla markaana ay la kulmeen madaxda Somaliland, sidoo kale waxay la kulmeen qaar ka mid ah isimada SSC oo hadda ku sugan Garoowe.

Saraakiisha Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa in ay muujiyeen rabitaankooda ah in xaalada la dejiyo oo wada hadal la galo. C/risaaq Maxamed Xasan Falaalug oo ah afhayeenka guddiga dib u heshiisiinta SSC oo ka kooban 33 xubnood oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan dadaallada lagu doonayo in si nabad ah lagu dhammeeyo colaadda, ayna rajeynayaan in wada-hadalladaas lagu joojiyo dagaalka. Cuqaasha SSC ayaa waftiga Itoobiya ku adkeeyey inay muhiim tahay in la xaliyo arrinta ciidamada SSC laga saarayo deegaanka Laascaanood.

Wuxuu rajo ka muujiyay in dadaallada socda ay horseedi doonaan in xiisadda Laascaanood ay faraha ka baxdo, lagana hortago khasaare nafeed, dhaawac iyo barakac kale. Iyadoo weli uu jiro hubanti la’aan badan oo ku xeeran socdaalka wafdiga Itoobiya ee Garoowe iyo saameynta uu ku yeelan karo colaadda, ayaa haddana loo arkaa fursad macquul ah oo lagu beddeli karo dhaqdhaqaaqyada colaadda haddii lagu guuleysto, in wada-hadal lagu gaari karo.

Horay Somaliland waxay u diidday fikrad kasta oo ah in ciidamadeeda laga saaro gobollada SSC, balse xaaladdu way isbedeli kartaa haddii wadahadal lagu dhammeeyo colaadda.

Comments are closed