|

Madaxweyne Xasan Sheekh oo mar kale ka hadlay xaalada Laascaanood

Laascaanood March 18, 2023 (QJ)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mar kale ka hadlay colaadda ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, taasoo muddo bil ka badan ka taagan. Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sheegay inuu aad uga walaacsan yahay colaadda u dhaxaysa Somaliland iyo ciidamada SSC, taasoo sababtay khasaare naf iyo maalba leh.

Madaxweynaha ayaa ku nuux-nuux saday in shaqaaqooyinka ka dhacay Laascaanood ay yihiin kuwo si wada jir ah u daneynaya dhammaan shacabka Soomaaliyeed, loona baahan yahay in xal buuxa laga gaaro. Wuxuu ku baaqay in la wada hadlo, wuxuuna ku booriyay dhammaan dhinacyada inay ka shaqeeyaan sidii xal nabadeed loo gaari lahaa.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in colaadda Laascaanood tahay arrin siyaasadeed oo u baahan in xal dublamaasiyadeed laga gaadho, isla markaana ay ka go’an tahay sidii xal waara loogu heli lahaa.

Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo aadaya, iyadoo dagaal uu markale dib uga qarxay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, iyadoo iska horimaad uu ka dhacay meel u dhow xerada Goojacade ee duleedka magaalada.

Dagaalka waxa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Taliyeyaasha labada dhinac ayaa guulo kala sheegtay, iyadoo qolo walba ay taageero ka heshay warbaahintooda.

Ciidamada Somaliland ayaa soo bandhigay dhowr qof oo ay sheegeen in ay ku qabteen dagaalka, waxaana ay ka furteen hub iyo rasaas kala duwan.

Sidoo kale, madaxda ciidamada SSC ayaa soo bandhigay maxaabiis iyo baabuur dagaal oo ay sheegeen inay ka furteen ciidamada Somaliland.

Dagaalkan ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah oo ku sugnaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Comments are closed