|

MUQDISHO: Mid ka mid ah Oday-dhaqameedyada soo Xulaya Baarlamaanka Soomaaliya oo ka badbaaday Dil

Muqdisho,9,7,2016 (QJ/SDN) – Nabad-doon Maxamed Xassan Qalinle oo ka mid ahaa odayaashii soo xulay xildhibaanada ayaa gaarigiisa oo hor yaalay gurigiisa qarax loogu xiray.

Qaraxa ayaa dhacay asagoo guriga kujiray markaa shalay galinkii danbe. Si kastaba ha ahaatee, cidina waxba kuma noqon qaraxaa odayga gaariga loogu xiray maadaama markaa gaariga cidina aysan ku jirin agagaarkiisana aan dadi ka dhawayn.

Nabad-doonka ayaa sheegay inuu mar qura maqlay qaraxa dabadeedna uu arkay gaarigii oo gubtay.

Si kastaba ha ahaatee wuxuu sheegay inuu marka qaraxu uu dhacaayay uu kujiray gurigiisa oo kuyaala degmada Waaberi ee Muqdisho.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska, Bishaar Abshir Geedi ayaa xaqiijiyay in qaraxa aanu wax khasaare ah geysan, isla markaana nabadoonku uu bad-qabo.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska, Bishaar Abshir Geedi wuxuu sheegay in loo baahan yahay in laga feejignaado baabuurta oo la dhigto bannaanka oo ay suura gal tahay in waxyaabaha qarxa dadka loogu xiro.

In dhawaaleba waxaa ku soo batay magaalada Muqdisho qaraxyada magnadka leh ee lagu dhejiyo baabuurta, kaasoo dad dhowr ah lagu dilay.

Comments are closed