|

SAWIRRO: Nolosha Qaxootiga Yemeniyiinta ah Ee Kunool Somaliland

Hargeysa,19,7,2016 (QJ/SDN) – Kadib dagaalkii dhex maray xulufada Sacuudiga iyo fallaagada Yemen ee Xuutiyiinta qaxooti badan oo reer Yemen ah ayaa usoo cararay dalka Soomaaliya iyo jamhuuriyada Somaliland.

Qaxooti badan oo Soomaaliyeed oo kasoo laabtay Yemen dirirtaa awgeed ayay qaxootigaa Yemeniyiinta ahi la yimaadeen gaar ahaan Bossaso iyo Berbera. In badan ayaa usoo gudbay Xamar iyo Hargeysa.

Haatan ayaa qaxooti badan oo Yemeniyiin ahi waxay kusugan yihiin magaalooyin badan oo Somaliland ka tirsan. Ilaa 10 kun oo Yemeniyiin ah ayaa ka qaxay dagaalka ka bilowday Yemen kuwaasoo yimid Somaliland.

Laga soo bilaabo bishiir Maarso ee sanadkaan ayaa Yemeniyiintu imaanayeen Somaliland.

Guud ahaan waxaa ku barakacay colaada Yemen ku dhawaad 200,000 oo qof oo isugu jiray Yemeniyiin iyo ajaaniib dalkaa kunoolaa sida Soomaali qaxooti ku ahaa Yemen.

Dadkaa soo qaxay ayaa haatan ku sugan qeybo kala duwan oo ah gobolka Geeska Afrika.

Yemen iyo Soomaaliya ayaa waxay wadaagaan dhaqan iyo xidhiidh ganacsi. Somaliland Yemeniyiintu waxay u imaan jireen hadana u yimaadaan ganacsi oo arimihii ganacsiga wali waa socdaan.

Haatan ayaa qaar ka tirsan qaxootiga Yemeniyiinta ahi waxay dhexgaleen dadka Somaliland oo durba qaar ayaa ganacsiyo ka furtay caasimada Hargeysa.

2016719636044957871448388Y1 2016719636044957975925482y2 2016719636044958092051217y3 2016719636044958209668113y4 2016719636044958345904367y5 2016719636044958464392012y6

Comments are closed