|

Puntaland oo ka hortimi nidaamka deyncafinta

Garoowe March 15, 2023(QJ) -Dowladda Puntland ayaa sheegtay in aysan taageeri doonin qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dooneyso in deymo cusub ay kaga qaadato hay’adaha iyo dalalka caalamka.

Puntland waxay ku doodaysaa in deyntani ay culays ku noqon doonto jiilalka soo socda, taas beddelkeedana dawladda federaalku ay xoogga saarto sidii ay u soo jiidan lahayd maalgashi shisheeye si ay dakhli uga soo galaan.

Maxamed Siciid Faroole, ayaa sheegay in Puntland ay warqad u diri doonto hay’adaha caalamiga ah ee ka cafiya daymaha lagu leeyahay, taasi oo ay kaga dalbanayaan inaysan wax deymo ah siin Somaliya.

Waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in dowladda Federaalka ay isticmaasho sharciyada jira si ay u soo jiidato maalgashiga shisheeye.

Hadalkan kasoo yeeray Puntland ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Federaalka Soomaaliya ay waddo barnaamij cusub oo deyn cafis ah, ayna kala shaqeyneyso hay’adda lacagta adduunka ee IMF in la sameeyo barnaamij dhaqaale oo cusub. Si kastaba ha ahaatee, Puntland ayaa ku doodeysa in dowladda Federaalka ay mudnaanta siiso cafinta daymaha, bedelkii ay deyn cusub ka qaadan lahayd.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay horumarinta kobaca dhaqaalaha dalka, isla markaana loo baahan yahay in la maalgashado shisheeye si loo gaaro hadafkaas.

Comments are closed