|

Rabshado dadku dhinteen oo maanta ka dhacay Magaalada Boosaaso iyo Xaalada oo wali kacsan SAWIRRO

Bosaaso — Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta halkaasi ka dhaceen rabashdo dad ku dhinteen kuwa kalana ay ku dhaawacmeen, kadib markii ay isku dhaceen dad banaanbax dhigayay iyo Ciidamada amaanka Puntiland.

Magaalada Boosaaso ayaa saakay waxaa ka bilowday banaanbax rabshado watay ay dhigayeen dad ku dhaqan magaaladaasi oo la sheegay in ay ka careesnaayeen dad maamulka Puntiland xil ka qaaday iyo kuwa kale oo la xiray.

Banaanbaxa ayaa markii dambe isku badalay mid gacmaha la iskula tago oo rabsho hareeyay, waxaana halkaasi ciidamada amaanka ku dileen labo qof oo kamid ahaa dadkii banaanbaxa dhigayay halka shan qof oo kalana ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada maamulka Puntiland ayaa markii dambe ku guuleestay in ay xoog ku kala eryaan dadka banaanbaxa dhigayay oo dhagxaan tuurayya sidoo kale laamiyada magaaladaasi ku gubayay taayarada gaadiidka.

Xaalada magaalada Boosaaso ayaa lagu soo waramayaa in wali tahay mid kacsan oo laga dareemayo rabshadihii maanta dhacay , waxaana laga cabsi qabaa in mar kale ay dhacaan isku dhacyo, waxaana xusid mudan in magaalada Boosaaso uu joogo Madaxweynaha Puntiland Mudane Cabdiweili Gaas .








Comments are closed