|

SAWIRRO: Sidee Looga Ciiday Deegaanada Xarakada Al-shabaab Ka Taliso?

Muqdisho,6,7,2016 (QJ/SDN) – Degmada Kurtunwaarey ee gobolka Sh/hoose oo ka mid ah degaanada ay gacanta ku hayaan Al-shabaab ayaa saaka si weyn looga dabaaldegay munaasabada Ciidul-fitriga.

Boqolaal dadweyne ah oo isugu jira rag iyo dumar ayaa isugu yimid barxad ku taala degmadaas halkaasoo salaada ciida ay kula tukadeen saraakiil ka tirsan Al-shabaab.

Shacabka halkaas isugu soo baxay ayaa waxaa wejiyadooda ka muuqatay farxad, iyagoo soo lebistay dhar kala jaad ah oo aad u qurxoon.

Masuuliyiin ka tirsan Al-Shabaab ayaa la hadlay dadweynihii goobta kula tukaday kuwaasoo u hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Muslimiinta caalamka, munaasabada Ciidul-fitriga awgeed






Comments are closed