|

Shirkii Wadatashiga Qaran oo war laga soo saaray

Baydhabo March 18, 2023(QJ) – Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee labada maalmood uga socday magaalada Beydhaba oo ay ka soo qeyb galeen madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay xarunta maamulka Koonfur Galbeed.

Sida lagu sheegay war saxaafadeed shirka debadii la soo saarayna madaxda ayaa isku afgartay federaaleynta maaliyadda dalka, dimuqraadiyadda, doorashooyinka, dhameystirka heshiiska qaab dhismeedka amniga qaranka iyo arrimo kale.

Golaha wada tashiga qaran ayaa ka dooday arrimaha doorashada gaar ahaan hal qof iyo cod, waxaana goluhu isku raacay in xal laga gaaro arrintan shirka soo socda ee dhici doona bisha May ee sanadka 2023.

Golaha wadatashiga qaranku wuxuu u xilsaaray madaxweynayaasha Koonfur Galbeed, Galmudug. iyo Hirshabeelle in ay wada hadal kala yeeshaan maamul goboleedka Puntland qodobadii lagu heshiiyey.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kuxigeenkiisa iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Jubbaland, Galmudug iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Comments are closed