|

Somaliland oo la weeraray iyo Puntland oo sheegtay in ay geleyso dagaalka

Laascaanood March 06, 2023 (SD) – Somaliland ayaa xaqiijisay dagaal maanta ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kaas oo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC ee deegaanka.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa lagu yidhi “Koox hubaysan oo ay ku jiraan ciidamada Puntland ayaa maanta weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan Somaliland oo fadhiisimo ku leh magaalada Laascaanood, mana jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay weerarkaas”.

Xiisada colaadeed ee ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC ku dhexmartay duleedka magaalada Laascaanood ayaa abuurtay walaac, waxaana beesha caalamku ay ku baaqday in la joojiyo colaadaasi, isla markaana nabad lagu dhameeyo colaadda.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo hadal ka jeediyay munaasabad dhawaan ka dhacday magaalada Boosaaso ayaa si weyn uga hadlay colaadda Laascaanood, wuxuuna ku nuux-nuux saday in Puntland aysan qayb ka ahayn colaadda, isla markaana ay danaynayaan dadka rayidka ah ee uu dagaalkaasi ku waxyeeloobay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Puntland ay diyaar u tahay inay ku lug yeelato colaadaasi, balse waa haddii ay ogolaadaan dadka reer Khaatumo.

Madaxweyne Deni oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay khasaaraha iyo barakaca ka dhashay dagaalkaasi, wuxuuna ugu baaqay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi inuu xil iska saaro xaalada gobolka Sool.

Comments are closed