Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland oo Dhanbaal Hambalyo ah Caawa u diray Jaaliyadaha S.land ee Qaarada Yurub
Hargaysa 11.April (SDN) Madaxweyne ku Xigeenka JSL, ahna Ku Simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland JSL, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylic) waxa uu Dhambaal Mahad-naq iyo Bogaadin u diray Jaaliyaddaha reer Somaliland ee ku kala nool Qaaradaha Yurub oo Maanta Banaan-bax aad u balaadhan ka hor dhigay Xarunta Baarlamaanka Midowga Yurub ee magaalada Brussels ee Dalka Belgium. Mudane Cabdiraxmaan…
