Gudida Aqoonyahanka Hargeysa oo Taageero Mug leh siiyay Gollaha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka
Hargeysa July 21,2013(SDN)-Guddida Aqoonyahanka Bartamaha iyo Konfurta Hargeysa ayaa qoraal ay soo saareen waxa ay ku Taageereen asaaska Gollaha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka ee horaantii bishan Hargeysa Looga Dhawaaqay. “Gudida aqoonyahanka ee degaanka badhtamaha iyo koonfurta Hargeysa waxa ay si xoogan u taageerayaan golaha wadatashiga iyo toosinta qaranka ee dhawaan lagaga dhawaaqay caasimada Jamhuuriyada…
