Hogaamiye ka Soo Jeeda Xisbiyada Mucaaridka Tunis oo la dilay,iyo Dawlada oo loogu baaqay inay Xilka ka Degto
Tunis 26.July (SDN) Waxaa shalay (khamiis) lagu dilay magaalada Tunis ee caasimada dalka Tuniisiya mid kamid ah hogaamiyayaasha Xisbiyada Mucaaridka ee dalkaasi. Maxamed Brahmi ayaa hogaamin jiray dhaq dhaqaaqa (Popular Movement) wuxuuna sidoo kale xubin ka ahaa Baarlamaanka dalkaasi. Hogaamiyahan ayaa kamid ahaa mucaaridka sida weyn u dhaliila Xisbiga Islaamiga ah ee dalkaasi ka taliya…
