Nuxurka Qoraalka ay Guddiga Diiwaangelintu ku waajahday Dacwadii UCID ee Maayarka Berbera iyo Faysal Cali Waraabe oo dhaliilay jidka ay mareen
Hargeysa 10, October 2013 (SDN)- Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa dhaliilay qaabka ay guddiga diiwaangelintu uga tiraab celisay dacwad uu xisbigu ku oogay maayarka magaalada Berbera iyo xildhibaan kale oo uu xisbiga UCID codsaday in loogu bedelo xildhibaano kale mar haddii ay ku biireen KULMIYE. Guddoomiyaha guddiga diiwaangelinta Cabdirisaaq Jaamac Ciyaale, oo…
