G/Wakiilada oo dhaqangeliyay Xeer hoosaadkoodii lana Cayimay Halkii ay Gudoomiye ku Xigeenadu fadhiisanayeen
Hargaysa 01.Feb 2014 (SDN)- Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa dhaqan geliyay xeer hoosaadkooda cusub ee ay ansixiyeen todobaadkii hore, waxaana goobo kala duwan loo asteeyay Guddoomiyaha iyo labadiisa Guddoomiye Ku xigeen ee dibad wareega ah. Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa loo agaasimay hab maamuuskii fadhiyadda ee xeer hoosaadkani jidaynayay waxaana kursi dheer…
