Nairobi: Gabadh Uur leh oo Somaliyeed Dabaq ka soo Dhacday,Xili ay ka Gabanaysay Ciidamo Al-Baabka ku Soo Garaacay

    27,Apr.2014(SDN/QJ)-Iyada oo ay wali sii socdaan raafkii iyo qabqbshadii aan kala sooca lahayn ee lagu hayay dadka Somalida ah eek u nool Xaafadda Islii ee Magaaladda Nairobi,ayaa  waxa la sheegayaa inay xalay halkaasi ka dhacday dhacdadii ugu naxdinta iyo argagaxa badnayd,taasoo dad badan oo somaliyeed uur-kubaalo xoogan ku abuurtay. Gabar uur ah oo soomaali ah…

    Read More

      Raiisul Wasaaraha Dalka Koonfur Kuuriya oo isu casilay Dooni dalkaa xeebehiisa ku degtay iyo casharka Siyaasiyiinta Soomaalida ka baran karaan

      Seoul  April 2014(SDN)-Raiisul wasaaraha dalka Konfur Kuuriya Mr. Chung Hong-won ayaa shaaciyay in uu xilkii iska casilay ka dib kolkii xukuumada uu madaxda ka yahay ay ku fashilantay maareyta doon dhawaan xeebaha dalkaas ku degtay oo siday boqolaal. Doonta degtay ayaa siday 476 ruux oo u badnaa ardey iyo macalimiin waxaaney degtay bishan aynu ku…

      Read More

        Rukunada Dublamaasiyada

        Bulsho wada dhisatay qaran, waxa hubaal ah in ay u baahan tahay cid si dhaba ugu istaagta dhawrida danaha ay leeyihiin, kana celisa cid kasta oo u soo holata in ay danahaas dhaawacdo ama meeshaba ka saarto, waxana dhaba in danta ugu weyn ee bulsho u dhisato qaran ay tahay dhawrida danaha wadarnimo, danahaas oo…

        Read More

        Giggs oo Dhoola Cadeeyey Rooney Iyo Mata oo Ku Durduriyey Markii Man United 4-0 Ku Suldaartey Norwich.By Jaahuur.

        London-27-April-(SDN)-Akhyaartay faaqidaadeena ciyaaraha waxaynu eegeynaa tababaraha cusub Man United  una soo kifaaxay Ryan Giggs ayaa dhoola caddeeyey galabta markii kooxdiisu badisey una ahayd tii ugu horeysey. Giggs oo shaqada kala wareegey Moyes oo toban bilood oo kaliya hayey ayaa sii wadi doona inta ka hadhsan horyaalka si ku meel gaadha ah. Haddaba ciyaartii dhexmartay Man…

        Read More

          Madaxtooyada Somaliland Oo Si Weyn Uga Muraara-Dillaacday Erayo Ku jirey Khudbad Marxuum Cigaal Hore u Jeediyey Oo Lagu Xardhay Caasimadda Dhexdeeda

          Hargeysa:April,27,2014(SDN/QJ)-Wararka Hoose ee ay shabakadda Qurbejoog.com ka helayso Aqalka Looga Taliyo  Somaliland ayaa sheegaya in Madaxtooyadu si weyn uga cadhootay Qoraallo hal-ku-dheg looga Dhigay Boodhadh Suuqa lagu Dhejiyey oo lagu muujnayo Xuska Geerida Madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Ibraahim Cigaal. Waxa ay wararku intaas ku darayaan in Madaxtooyadu si weyn u dhibsatay, ugana Muraara-dillaacday Erayada…

          Read More

            Madaxweyne Siilaanyo Oo Hargeysa Ku Noqday una Diyaargaroobaya Xadhig-ka-jarista Shirweynaha Kulmiye

            Hargeysa:April,27,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Somaliland oo labadii maalmood ee ugu dambaysay ku sugnaa Magaalada Bebera, ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.   Madaxweynaha oo aan la shaacin sababta uu u tegay Berbera oo kaliya lagu sheegayo arrimo shakhsi oo gaar u ah, ayaa Sallaadii Jimcaha iyo middii Roob-doonta la Tukaday shacabka Reer Berbera, waxana…

            Read More

              Kenya Oo Jawaab Adag Ka Heshay Dhiggeeda Sucuudiga kadib Xadhigii Sucuudiyaanka ay Shabaabka ku Eedaysay

              Nairobi:April,27,2014 (SDN/QJ)-Safaaradda Dawladda Sucuudigu ku leedahay Dalka Kenya ayaa si cadho leh uga jawaabtay Xadhigga nin sucuudiga  u dhashay oo kenya ku xidhay Dalkeeda, kaas oo ay ku eedeeyeen inuu shabaabka ka tirsanaa. Ibraahim Barnawe, oo ah ku-xigeenka safiirka Sacuudiga ee dalka Kenya ayaa beeniyay arrintaasi lagu soo xidhay ninkaasi dhalasho ahaan ka soo jeeda…

              Read More

                Xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud Oo Ka Hadashay Tallaabadii Xabsiga Loogu Taxaabay Qunsulka Somalida u Fadhiya Kenya

                Muqdisho:April,27,2014 (SDN/QJ)-Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Somalia, ahna wasiirka Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Ridwaan Maxamed Xirsi, ayaa Galabnimadii shalay Golihiisa wasiirrada iskugu yeedhay shir aan caadi ahaynXubnaha golaha wasiirada. Shirkan ayaa muhiimadda ugu weyn ee laga lahaa ay  ahayd sidii wax la iskala meel dhigi lahaa Tallaabooyinka foosha xun ee Dawladda Kenay ay ku hayso Dadka somalida…

                Read More

                  Shabaabka Oo Xalay Weeraray Xeryo ay Deggen yihiin Ciidamada AMISOM Oo Ku Yaalla Duleedka Muqdisho

                  Muqdisho:April,27,2014 (SDN/QJ)-Waxa Habeenkii xalay ahaa uu Dagaal xooggani ka dhacay Deegaanka Arbacow ee   Duleedka Magaalada Muqdisho. Dagaalka oo uu u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa socday muddo ku dhow 30-daqiiqo, waxaana la issku adeegsaday hub culus sidda ay lee yihiin dadka deeganka. Dagaalka ayaa ku billowday markii dagaallamayaasha…

                  Read More

                    Gudoonka Baarlamanka Somalia oo Xukuumada ka dalbaday inay Go’aan ka soo saarto Xadhiga Qunsulkii Somalia ee Kenya

                    Muqdisho 26.April 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka dalbaday xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya inay go’aan ka soo saarto xariggii ciidamada Kenya ay u geysteen qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Kenya, Siyaad Maxamuud Shire. Guddoomiyaha oo maanta ka hadlay fadhigii baarlamanka ayaa sheegay in qaabka loola dhaqmay qusulka uu ahaa mid…

                    Read More

                      “Gobolka Sool dadku waxa ay cabbaan biyo qadhaadh, kuwii qadhaadhaa ayaaba hadda gabaabsi ku dhaw” Cali Sandule

                      Laascaanood 26.April 2014 (SDN/QJ)- Wasiirul Dawlaha Nabadaynta Barriga Cali Maxamuud Axmed (Cali-sandule), ayaa mar kale ku celiyay baaq ku saabsan abaaro ka jira Gobolada Bariga. Cali Sandule waxa u sheegay in Gobolada Barriga ay ka jiraan Biyo yaraan iyo waliba abaar baahsan oo ku siman Gobolka Sool. Waxa uu baaq u diray Hay’adaha Caalamiga ah,…

                      Read More

                        Kulmiye oo Kadeedka Iyo Kurbada Shirweynahooda ku Dagaalansan iyo Gudoomiyaha Qabanqaabada oo Dirir kala Kulmay Beeshiisa

                        Hargaysa 26.April 2014 (SDN/QJ)- Xaalada Xisbiga Kulmiye Ayaa Meeshii Ugu Xumayd Marysa Ka Dib Markii Maanta Ay Isfarasaareen Masuuliyiin Sar Sare Oo Ka Tirsan Xisbiga Kulmiye, Dhacdooyinkii Ugu Dambeyey Ee Ka Dhacay Saaka Xarunta Kulmiye Waxa Mid Ahaa Markii Ay Is Afdhaafeen Xildhibaan Reer Boorama Ah Iyo Guddoomiyaha Guddida Qabanqaabada Abokor Xaamud Jibriil Waxaana Dhex…

                        Read More

                          Beesha uu Ka Soo Jeedo Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Ucid oo Kulan ay London ku Yeesheen ku Cadeeyay inay Taageero buuxda la Garab joogaan Sawiro

                          London  26.April 2014 (SDN/QJ)- Murashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Mucaaraadka ah ee UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyo xubno ka tirsan hoggaanbka xisbiga, ayaa xalay munaasibad taageero loogu muujinayey kaga qayb-galay magaalada London ee dalka Ingiriiska. Munaasibaddan oo ay soo-qaban qaabiyeen Jaaliyadda Beelaha Ciise Muuse  ee magaalada London, ayaa ujeeddadeedu ahayd sidii ay beeshu taageero buuxda…

                          Read More

                            Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Markii Kowaad ka Hadlay Dhacdadii Jeelka Hargaysa iyo Dad ay u qabqabteen {DHAGAYSO}

                            Hargaysa 26.April 2014 (SDN/QJ)- Taliyaha Ciidanka Asluubta ee Somaliland Sareeye Gaas Maxamed Xuseen Xiirane ayaa Maanta Markii u horaysay Waxa uu ka hadlay Dhacdadii Dhawaan ka Dhacday Jeelka Weyn ee Magaalada Hargaysa kadib Markii ay Maxaabiis Falal kala duwan u Xidhani ay damceen inay ka baxsadaan Jeelka arrintaas oo sababtay in Hal askari oo ka…

                            Read More

                              Wararkii Caawa ee Dalka iyo Dibada ee Shabakada Qurbejoog.com {DHAGAYSO}

                              Hargaysa 26.April 2014 (SDN/QJ)- Ku Soo dhawaada Dhamaan Akhyaarta ku Xidhan Shabakada Somalidiasporanews.com Meel kasta oo Dunnida Dacaladeeda aad kaga Sugan Tihiin Warar Wixii Naga  Soo Gaadhay Dalka Gudihiisa iyo Dibadiisa oo aanu idiinka Soo Gudbinayno Studiyaha Qurbejoog.com ee Caasimada Somaliland ee Hargaysa . Waxaa Warka Caawa  Idiin Soo Tebin Doona Weriye Maxamed Xasan Daacad…

                              Read More

                                FAA’IIDOOYINKA IYO DHIBAATOOYINKA SHAAHA Waa Qallinkii Deeqa Cali Saalax.

                                Shaahu wuxuu kamid yahay nolol maalmeedka dadkeena soomaalida ah, meelaha qaar sida miyigane waxaaba loo cabaa si ka badan biyaha, hadaba geedkaa saaxibka la’ah soomaalida waa maxaay? Muxuu faa’iido leeyahay? Muxuuse dhibaato leeyahay?   -FAA’IIDOOYINKA: (Shaaha cagaaran ama akhtarka ah  ayaa ka faa’iida badan kan madow ee ey soomaalidu cabto) 1. SHAAHA & CHOLESTEROL: Shaaha…

                                Read More

                                  Maamul Goboleedka Punt land oo Diiwaangelin ku Samaynaya Dhakhaatiirta ka Hawl Gasha Deegaanka Maamulkooda

                                  Garowe 26.April 2014 (SDN/QJ)- Amar maanta oo Sabti ah 26.April.2014 kasoo baxay xafiiska wasiirka caafimaadka Puntland Dr.Saadiq Eenow ayaa lagu sheegay in Dhakhaatiirka Puntland ay is-diiwaan galiyaan. Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegay mudo 20-cisho ah inay haystaan Dhakhaatiirta ka shaqaysta gobaladda Puntland ayna iska soo diiwaan galiyaan xarumaha ururka dhaqaatiirta ay gobalada ku lee yihiin. “Waxaa…

                                  Read More

                                    Madaxweyne Siilaanyo oo Shacabka Berbera Salaada Roob doonta ah la Tukaday SAWIRO

                                    Berbera 26.April 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Ayaa Saaka Saalada Roob doonta La Tukaday Dadweynaha Reer Berbera Oo isugu Soo Baxay Barxada Lagu Tukado Salaada Cida waxaana Madaxweynaha halkaasi ku wehelinayay Masuuliyiinta Badhasaabka gobolka Saxil, Maayarka Berbera iyo Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Cali Xoor Xoor iyo Xubno la socday Madaxweynaha Oo…

                                    Read More

                                      Hoggaamiyaha Ururka Al-shabaab Oo Xabsiga Dhigay 11-Sarkaal Oo Ururkiisa Ka Tirsan

                                      Baraawe:April,26,2014(SDN/QJ)-Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Degaanka Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose, Hoggaamiyaha Kooxda Alshabaab Axmed Cabdi Godane ayaa xabsiga u dhaadhiciyey saraakiil sare oo kooxda ka mid ah. Saraakiisha la taxaabay ayaa lagu eedeeyey inay Baalmareen amarka hoggaamiyaha, waxana la amray in la xidhxidho.   Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Shalay gaar…

                                      Read More