Qoddobo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Ka Naxday Oo Laga Soo Saaray Shir-Doceed Mayalweynta Beelaha Habar-magaado Ku Yeelatay Hutel Ambassador
Hargeysa:Aug,15,2014(SDN/QJ)-Kulankii ugu Ballaadhnaa ee ay isku arkaan Waxgaradka Beelaha Habar-magaado, ayaa Maalintii shalay lagu qabtay Huteel Ambassador ee Magaalada Hargeysa. Kulankan oo ahaa mid qado ah, isla-markaana la isku baranayey la iskuna xog waraysanayey, ayaa waxa Abaabulkiisa lahaa Beesha Suber Awal, iyadoo lagu casuuumay Waxgaradka Beelweynta Garxajis oo ka mid ah Beelaha Habar-magaado. Salaadiin, Cuqaal,…
