Anigu Meel Aan Xaal Iyo Raali-gelin Uga Geeyo Madaxweynaha Ma Muuqato, Waayo? Ninka Meel Ka Dhaca Tirsanayaa Waa Aniga..” Garnaqsiga Wasiirkii Hore ee Caddaaladda
Hargeysa, 30 March, 2016-(SDN/QJ): – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caddaalada Somaliland, imikana ka mid ah Xubnaha la baxay Isbaheysiga KULMIYE Xuseen Axmed Caydiid, ayaa sheegay in Sababta Rasmiga ah ee uu Xukuumadda iskaga Casilay tahay in Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ay rafiiq ahaayeen illaa wakhtigii Halganku uu kaga baxay Qorshe ay ku taageersanayeen isaga iyo…
