Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar Oo Shacabka DDSI Hambalyo U Diray Munaasibadda Ciidul-fitriga Awgeed

Jigjiga,5,7,2016 (QJ/SDN) – Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa tahniyada  farxada ciidul Fidriga hambalyo u diray dhamaan muslimiinta caalamka kuwa  itoobiya  gaar ahaan DDSI. Madaxwaynaha ayaa ugu bishaareeyay muslimiinta in ay farxad ku ciidaan, isaga oo Allaah uga baryay muslimiinta oo dhan  in laga aqbalo dhamaan khayraadkii bisha barakaysan ee Ramadaanka ay cibaadaysanayeen ajri…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Shacabka ku Hambalyeeyay Ciida Soonfur una soo Jeediyey Khudbad dhinacyo badan leh DAAWO

Hargaysa 05.July 2016 (SDN/QJ):-Madaxweynaha J.S.L Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa hambalyo U diray Shucuubta Islaamka Gaar ahaana Shacabka Somaliland Munaasibada Ciidal Fidriga Darteed. Khudbada Madaxweynaha ayaa Iyadoo Qoraal ah Waxay u dhignayd Sidan:- Walaalayaal, Milgo iyo maamuus weyn ayey ii tahay inaan munaasibadda ciidal-fidriga awgeed halkan uga jeediyo hambalyo iyo bogaadin balaadhan dhammaan shucuubta…

Read More

‘’Siyaasiyiinta Koonfurtu ma laha Wax Siyaasad ah oo ay ka leeyihiin Midnimada,Markaa Somaliland wax Qorshe ah uma hayaan’’ Wasiirka Warfaafinta Somalia DAAWO

Muqdisho 05.July 2016 (SDN/QJ):-Wasiirka Warfaafinta Somalia Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka hadlay Wada hadalada Somaliland iyo Somalia Waxa uu sheegay in Siyaasiyiinta Somalia aanay ilaa hada hayn dariiqii lagu soo celin lahaa Midnimada Somaliland iyo Somalia Isla markaana ay ku Mashquulsan yihiin Siyaasada dhexdooda taala,Waxaanu intaas ku daray inuu aaminsan yahay in Arrinta Somaliland…

Read More

Salaadiinta Iyo Haldoorka Gobolka Saaxil oo Iclaamiyey Shir lagu Qaban doono Deegaanka Baxarasaafka iyo Saska Xukuumadda DAAWO

Hargaysa 05.July 2016 (SDN/QJ):-Salaadiinta gobalka Saaxil ee beesha Ciise Muuse oo u hormuud u yahay Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh ayaa waxaa uu si rasmi ah u shaaciyey in ay beeshu dabayaaqadan bishan 7 shir ay kaga hadleyso aayaheeda ay ku qaban doonto deeganka Baxara Saaf ee degmada Laas-Geel ee gobalka Saaxil. Shirkan ay ku dhawaaqen…

Read More

Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland oo ka Hadlay Qaabka ay Ciidamada Boolisku uga qayb qaadanayaan Sugida Amniga Maalmaha Ciida DAAWO

Hargaysa 05.July 2016 (SDN/QJ):-Taliyaha Guud ee Ciidamada Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal Iiman ayaa waxaa uu fariin u diray bulshada Somaliland waxaana uu ugu hanbalyey munaasibada ciida ee inagu soo foolka leh Sidoo kale Taliye Cabdilaahi Fadal waxaa uu ka hadley Ilaalinta Amaanka ee maalmaha Ciida isaga oo hanbalyo gaar ah u diray dhamaan…

Read More

Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Cali Guray oo Daadefeeyay Sharci-nimada Xil ka Qaadistii Gudoomiye Faysal ee Marwo Rooda Axmed Yaasiin

Hargaysa 05.July 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Cali Maxamed Yuusuf ‘’Cali Guray’’ ayaa Sharci daro ku tilmaamay Wareegtadii uu Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Xilkii kaga qaaday Gudoomiyihii Xisbiga Ucid ee Gobolka Saaxil Marwo Rooda Axmed Yaasiin. Cali Guray ayaa Qoraal uu Xalay soo Saaray Wuxuu u dhignaa Sidan:-…

Read More

Gudoomiye Cirro oo Ciidanka Boolisku ka hor istaageen inuu ka qayb galo Xidhitaanka Tartan Ciyaareed ka socday Garoonka Xawaadle & Falcelinta Dhallinyarada DAAWO

Hargaysa 05.July 2016 (SDN/QJ):-Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ahna Hogaamiyaha Aqalka Golaha Wakiiladda ayaa Ciidamadda boolisku ka hor Joogsadeen inuu ka qaybgalo Tartan Ciyaareed bisha ramadaan oo ka Socday Garoonka Xawaadle ee Magaalada Hargaysa.

Read More

“Ina Afdiinle Shaqo Kuma Laha Diyaaradda Qaadka Kenya Geysa Laascaanood.” Ganacsatada Qaadka ee Laascaanood DAAWO

Laascaanood 05.July 2016 (SDN/QJ):-Ganacsatada Qaadka ee Magaalada Laascaanood, ayaa beeniyey eedaymo uu Ganacsade Maxamed Jabuutaawi oo ka mid ah Dadka Qaadka geeya Laascaanood ku sheegay in Shirkadda 571 Qaadka Kenya Diyaarad ku geyso Laascaanood, si uu u kala dilo Mulkiilaha Shirkadda 571 Maxamed Ismaaciil Tarabbi (Ina Afdiinle) iyo Itoobiya oo uu Dhalasho ahaan ka soo…

Read More

Aaska Garaad Abshir Garaad Saalax oo ka Dhacaya Degmada Widh Widh Iyo Gabay Baroor diiq ah oo loo Tiriyey DAAWO

Widh-Widh 05.July 2016 (SDN/QJ):-Waxaa Dhawaan ku Geeriyooday Dalka Sweden alle ha u Naxariistee Marxuun Garaad Abshir Garaad Saalax Maxamed oo ka Mid ahaa Bah’da Dhaqanka ee Soo Jireenka ah ee Gobolka Sool. Waxaa la qaban qaabinayaa Aas loo sameeyo Garaadka kaas oo ka Dhici doona Degmada Widh-Widh ee Gobolka Buuhoodle. https://www.youtube.com/watch?v=cKrTDzyUfVw

Read More

Sida Adag ee Loo Ilaaliyo Imtixaanaadka, Iyo Talooyinka la qaato si arrintaas looga hortago DAAWO

Hargaysa 05.July 2016 (SDN/QJ):-Wadamo badan oo caalamka ah ayaa dhibaato badan kala kulma tahriibinta imtixaanaadka Schoola-da kaas oo dibada u baxa oo ardayda gaadha ka hor inta aan la bilaabin, barnaamijkeenana waxaynu ku eegaynaa talaabooyinkii laga qaaday si arintaasi looga hortago. https://www.youtube.com/watch?v=oR6g9u8BHqM&feature=youtu.be

Read More

Mujaahid Axmed Mire oo Cisbitaalka Hargaysa ku Booqday Dhakhtarkiisii Gaarka ahaa ee Xiligii Halgankii oo Xaalad Caafimaad la soo deristay

Hargaysa 05.July 2016 (SDN/QJ):- Dr Muj.Jaamac X.Daa’uud Cismaan waxa uu ahaa dhakhtarkii haystay xeradii dhaawaca ee SNM, isla markaasina daawayn jiray muj. Axmed Mire Maxamed ,Waxaa uu ahaa dhakhtarkii alle u fududeeyey dedaal badanna sameeyey siduu mujaahidiintii uu dhaawacu kasoo gaadhi jiray dagaalkii xaqu dirirka ahaa uu u daawayn lahaa Gaar ahaan Dagaalkii Gudo Galka…

Read More

Hor dhaca Xog Ururin Isbarbar dhig ku Samaysay Nidaamka Hogaamineed ee Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweynihii Hore Somaliland Daahir Rayaale

Hargaysa 05.July 2016 (SDN/QJ):-Urur  maxali ah ayaa ku hawlan ururinta daraasad uu ku samaynayo hoggaaminta Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo hoggaamintii Madaxweynihii uu xilka kala wareegay Daahir Rayaale Kaahin. Daraasadan oo la sameeyay qaabkeeda guud ee ay u eekaanayso, waxa ka tallo bixinaya siyaasiyiin la soo shaqeeyay labada madaxweyne iyo weliba khubaro kale oo dusha…

Read More